Daawo: Doorashadii Somaliland oo lagu kala baxay iyo Faysal Cali Waraabe oo xog cusub sheegay

Hargeysa (Caasimada Onlien) – Waxaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa Faysal Cali Waraabe, Wuxuuna si kulul uga hadlay doorashadii ka qabsoontay dhowaan deegaanada Somaliland, sida loo arkay, iyo arrimo quseeya guud ahaan Soomaaliya.

Faysal ayaa sheegay inay doorashada ku Tartaameen REERO, Hadana uu reer kamid ah guulaystay, Siduu hadalka u dhigay.

Wuxuu ka digay inay dhibaato dhacdo isagoo sheegay inaan reer Hargeysa iyo beesha Ciida-gale ee uu kasoo jeedo dagaal ka qayb geli doonin, Wuxuuna ku baaqay in maxkamad la keeno Raggii kiciyey Rabshadaha dhowaan ka dhacay Hargeisa iyo Burco.

Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe  wuxuu eedayn dusha u saaray Xisbiga Wadani isagoo sheegay inay Bilaabeen Gar-xajisnimo, Markaas kadibna ay Bilaabatay Mid kale oo la Dhaho Jeegaan oo Xisbiga Kulmiye isku xidhay Habar-awal iyo Habar-jeclo, Waxaana Hadalkiisu u muuqday inuu Cadayno inay Guushu Raacday Muuse Biixi, dhankiisana aanu Rajjo ka Qabin guul ka raacda Doorashada.