Caddeyn: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isla doodaya Arbacada!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta Mashaariicda kasoo qaatay dalka Imaaraadka Carabta ayaa Maalinta Arbacada ah ee Taariikhda ku beegan tahay 22 Bishaan iskula doodi doono Xaflad uu ku bixinayo lacag taasoo ka dhici doonto Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Xafladdaaan ayaa loogu magac daray (Dood furan oo uu Marti ku yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur), waxaana qof kasta oo ka qeybgalayo la siinayaa 100 Dollar si ay xafladda u noqoto mid camiran.

Balse nasiib darro, sida aan xogta ku helnay dhammaan Saxafiyiintii lagu casuumay kulankaas way ka cudur daarteen kadib markii la fahmay qorshaha qarsoon ee uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka leeyahay kulankaas, maadaama uu rabo inuu kaligiis isla doodo,  taasoo ka dhigan in ajande qarsoon uu ka leeyahay kulanka Arbacada.

Wariyeyaal waaweyn oo uu ka codsaday in ay barnaamijka u camiraan ayaa ka diiday, wuxuuna mid kamid ah wariyaashaas Caasimadda u sheegay inuu hortiisa ku jeex jeexay waraaqdii Casuumadda.

” Maxaa doodda furay haddii uu albaabka ka xirtay dadkii la doodi lahaa. Alleylahe waa dood xiran oo xujo kale laga leeyahay ee ma aha mid furan” ayuu Caasimadda Online u sheegay mid kale oo kamid ahaa Wariyaashii lagu casuumay shirkaas ee qaadacay oo ka gaabsaday inaan warbixintaan ku xusno magackiisa.

” Qof kasta oo ka qeybgalayo Shirkaas waxaa la siinayaa 100 Dollar, marka dood dadka ka qeybgalayo lacag lagu siinayo maxay tahay ujeedka laga leeyahay, aniga ma fahmin, balse wax iga weyn ayaa jiro” ayuu sii raaciyey.

Kulankaan ayaa wuxuu kamid yahay kulamada uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur qabanayey maalmihii ugu dambeeyey, waxaana la xaqiijiyey inuu Imaaraadka Carabta kasoo qaatay mashruuc uu dulaal ka ahaa Cumar Cabdishariid oo lagu doonayo in dalka xasilooni darro lagu geliyo.

Cabdiraxmaan Cabdushakuur oo hore u iibsaday Badda Soomaaliya, ayaan weli ka quusan siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna dhawaan kamid ahaa musharixiintii isku soo taagtay Doorashadii ka dhacday Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com