Daawo: Ehellada dhaqtar galabta lagu dilay Muqdisho oo go’aan culus soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya dil galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Bar-control oo laga hubiyo gaadiidka, taasi oo ku taalla Shaleemo Nasri oo u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Dilka ayaa loo geystay Wiil Dhakhtar ahaa oo lagu magacaabi jiray Anas Yuusuf Maxamed, waxaana dilkiisa ka dambeeyay sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa Askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Wiilka la dilay ayaa sidoo kale ahaa wade Mooto Bajaaj, wuxuuna xilliga la dilay waday Mooto, wuxuu ahaa Aabe laba xaasle ah, sida ay xaqiijisay Hooyadiis oo warbaahinta la hadashay.

Wararka la helay ayaa sheegayaan in dilka Aanas uu yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo askariga, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda ee dilay Dr. Aanas.

Qaar kamid ah ehellada marxuum oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalka xukuma Barta-control ee dilkaasi uu ka dhacay uu inkiray in askariga dilka geystay uu ka tirsan yahay ciidankiisa.

Ehellada Dr. Anas waxay madaxda dowladda ka dalbadeen inay cadaalad u helaan wiilkooda la dilay oo uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee askariga u dilay wiilkaas, marka laga yimaado in muran kooban uu dhex-maray labadooda, mana aha markii u horeysay ee Askari ka tirsan dowladda uu dil u geysto qof shacab ah oo waa dhacdooyin aad u soo noq-noqoda

Meydka Marxuum Aanas ayaa caawa ku hoyanaya qaboojiyaha isbitaal Digfeer, waxay ehelladu cadeeyeen in  wiilkaas aan meydkiisa la aasi doonin ilaa inta laga soo qabanayo ninkii dilay.

Hoos ka daawo ehellada marxuumka oo la hadlay TV-ga Somali Cable