Wafdi sare oo Mareykan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Xasan Sheekh + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta madaxtooda kula kulmay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Marekanka Victoria Nuland oo booqasho rasmi ah ku joogta magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyda ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Danjire Victoria Nuland oo ugu horreyn Madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, Isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafinta iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu soo celinaya Soomaaliya.

Ciidamadaas Ameerikaanka ah waxay dowladda Soomaaliya ka gacan siinayaan dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo argagixisada kale eek a jirta Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo ciidamadiisa ka saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku ku dileen ugu yaraan shan ka mid ah kooxda Al-shahaab.

Weerar cirka ah oo lagu beegsaday Al-Shabaab ayaa ka dhacay meel u dhow deegaan lagu magacaabo Beerxaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.