Daawo: Ethiopian Airlines oo 41 sano kadib maanta kasoo degtay Muqdisho

Muqdisho (caasimada Online) – Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopian Airlines ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyay ee gancsi ah maanta ku timid magaalada Muqdisho 41 sano ka dib.

Duulimaadkan oo dhawaan uun hindisahiisa la shaaciyay ayaa si wayn looga dhursugayay.

Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa sannadihii u dambeeyay ka shaqaynaysay magaalada Muqdisho.

Dadka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qaba duulimaadyadda Caalamiga, waxaana Muqdisho Shirkad Caalami ah oo dhanka duulimaadka ah oo ka howlgasha ka jira Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish.

Inta uusan sannadkan dhamaaninna waxaa la filayaa in shirkadda diyaaraha ee Kenya Airways ay billawdo in ay safaro toos ah ku tagto magaalada Muqdisho.

Marka uu tartankaasi batana waxaa la filayaa in ay riqiisaan tikidhada duulimaadyada caalamiga ah oo hadda qaali ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.comÂ