Daawo: Faarax Cabdulqaadir oo ka hadlay dilka Ikraan Tahliil iyo afduubyadii ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay isku beel yihiin Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo loo heysto hey’adda NISA iyo dhalinyaro si aar gudasho ah maanta loogu afduubtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ugu horeyn Xildhibaanka ayaa sheegay in murugada uu la qeyb sanayo qoyska Ikraan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ka ‘argagaxay waayideedii iyo in la dilay’.

“Waxaan codkeyga ku biirinaya guud ahaan dadka codsaday in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dilka Ikraan, inay cadaalad hesho Ikraan waa waajib saaran dadka Soomaaliyeed ee wax garadka ah, aniguna dadkaas daba taagan dhiigga Ikraan iyo dilkaas waxuushnimada ah ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xitaa Al-Shabaabkii nabadda nebcaa ay iska fogeeyaan dilka gabashaas.

“Waxaa maanta isoo gaartay in dad ay isku heyb yihiin Ikraan oo ka naxay dhibka gaaray, ay afduubteen seddax dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beel kale, iyagoo tuhun ka qaba in beeshaas dad ka dhashay ay lug ku leeyihiin hey’adihii ay ka shaqeyn jirtay Ikraan,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax .

“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada iyo waxgaradka reer Beledweyne, in dhalinyaradaas si deg deg ah xoriyadooda ay ku helaan, sax ma ahan dhaqanka ah in dadka aano iyo wax lamid ah loo raadsado oo dad aan waxba galabsan loo dhibaateeyo, arrintaasna waxba kuma soo kordhineyso cadaaladda aan u goobeyno kiiska Ikraan,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa bogaadiyey dadaallada Ugaaska beesha Gaaljecel oo Ikraan ay ka dhalatay, guud ahaan odayaasha dhaqanka iyo maamulka magaalada Beledweyne oo maanta u istaagay inay dhashaaqada ka dhalatay kiiska gabadhaas ay xaliyaan.

“Waxaan u rajeynayaa dadka walaalaha ah ee reer Beledweyne in shaqaaqooyin aysan lug ku laheyn ama meel kale ka dhacay aysan ku keenin xasilooni darro iyo dhibaatooyin kale oo sii dhaca, dhamaan waxaan ugu baaqayaa qeybaha oo dhan inay is dejiyaan oo ogaadaan inay yihiin dad xigto iyo ehel isku ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Dhanka kale Xildhibaan Aamino Maxamed oo golaha shacabka ku metesha reerka ay ka soo jeedo Ikraan Tahliil oo ka hadashay dhalinyarada lagu afduubtay Beledweyne ayaa tiri, “Qof aan dhibaato noo geysan yaan loo dhibaateynin Ikraan darteed, Ikaraan dadbaa lagu tuhmayaa una eedeysan, kaama hari doono, anagaa u taagan in Ikraan ay cadaalad hesho, laakiin waxaan codasaneynaa in dhalinyarada xirxiran la sii daayo, oo Ikraan darted aan loo dhibaateyn qof aan waxba galabsan.”

Hoos ka daawo muuqaalka Faarax Cabdulqaadir