Sharciyan dowlada federalka ma iibin kartaa mise kireyn kartaa dhul hanti qaran ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay banaanka u soo baxday in shirkad gaar ah laga kireeyay dhul kamid ah Tiyaatarka Qaranka, si looga dhiso maqaayad ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn xoogan oo ku aadan awooda dowladda ee bixinta hanti-qaran.

Dadka sharciyan aqoonta u leh arrintaan ayaa sheegaya in markii laga hadlo lahaanshiyaha dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, lagana eego dhanka sharciga ay dowladdu leedahay dhulka halka khayraadka dhulka iyo kan baddana ay yihiin hanti Qaran oo ka dhaxeeysa dadweynaha (hanti dadweyne).

Qodobka 42-aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya farqadiisa 1-aad ayaa dhigaysa “in khayraadka badda iyo kan bariga labaduba yihiin hanti dadweyne”, sida uu Wasiirkii hore ee howlaha guud, Eng Saadiq Cabdullaahi u sheegay BBC-da.

Eng Saadiq ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu “ay iibin karto wixii dhul dowladeed ah loona arko dan qaran oo waliba ay ka iibin karto shirkad ama shaqsi”, balse loo baahan yahay keliya in dowladda u marto nidaamka sharciga ah, ayada oo la waafajinayo xeerarka dalka uga yaalla arrintan.

“Marka hore soo jeedinta arrintaan waxaa iska leh guddiga qaran ee wakiilka uga ah dowladda dhexe, waxaa sidoo kale qayb arrintaan ku leh golaha deegaanka dhulku ku yaalla markaa kadibna waa in la raadiyaa si loogu tartamo oo cidii ku guulaysata ay sidaa ku hesho,” ayuu yiri.

“Dakhliga ka soo baxa dhulkaas iibkiisa waa inuu si toos ah ugu xarooda qasnadda dowladda oo aanu ku dhicin gacan wasaarad gaar ah iyo shaqsi gaar ah.”

Dhinaca kale, Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay 5 qoddob oo Wasaaradda Warfaafinta ka dul booday markii la bixinayay qeyb kamid ah dhulka Tiyaatarka, islamarkaana ka hor-imaneysa wareegtada lagu bixiyey dhulkaas, kuwaasi oo kala ahaa;

  1. Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS
  2. Qoddobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019)
  3. Amar Madaxweyne oo ku taariikheysan “19 Janaayo 2018”, taas oo lagu caddeeyey in ay sharci darro “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka Dawladda’
  4. Qoddobada 2aad iyo 3aad ee Xeer Ra’iisal Wasaare (Xeer Lr.047 ee 06/12/2018), kaas oo ku saabsan “Heshiisyada Dawladda Federaalka la galeyso Shirkado ama Hay’ado
  5. Qodobka 1aad ee warqada Hantidhawraha Guud ee 20/10/2020 oo lagu sheegay in hay’adah Dowladda heshiisyada ay galaan ka soo diiwan geliyaan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

Wuxuu Hantidhawrku meel adag iska taagay bixinta dhulka danta guud ee loo marayo sifo sharciga waafaqsaneyn, ayadoona hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda looga digay in hantida umadda u maamulaan si gaar ah, kana faa’iideystaan xilliyada kala guurka.