Madaxweyne Cali Guudlaawe oo qiil yaab leh u sameeyay dib u dhaca maamulkiisa

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid maamulkiisa iyo waxqabad la’aanta xukuumadiisa, ayaa ugu qiil sameeyay in uu kusoo aaday xili uu taagna khilaafka doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in ayada oo muddo kooban uu dhisan yahay maamulka HirShabelle uu qeyb ka noqday xalinta khilaafka doorashooyinka, midaasi oo sida uu sheegay ka mashquulisay wax badan oo u qabsoomi lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadihii badnaa ee ku gudboona doorashada laga soo gudbay badankooda, islamarkaana uu dalka uu jiheystay doorashooyin, ka maamul ahaana ay diyaar u yihiin qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Cali Guudlaawe oo kamid ah Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxa uu maamulkiisu wajahaya khilaaf iyo xiisado ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay, taasi oo illaa hadda aan xal muuqda laga gaarin.

Si kastaba, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la daala dhacayay muddooyinkii dambe eedo iyo dacaayado ka dhan inuusan tagin karin qeybo kamid ah maamulka uu ka taliyo, xiisado taagan awgood.