Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ay Taalibaan ku qaaday dooxada Panjshir

Kabul (Caasimada Online) – Mustaqbalka Dooxada Panjshir ayaa weli ah mid cakiran oo weli waxaa socda dagaal culus oo u dhaxeeya Taalibaan iyo kooxda difaacaneysa dooxada.

Ilo wareedyo Taalibaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay qabsadeen aagga, laakiin kooxda Panjshir ayaa arrintaas beenisay.

Dhanka kale Cali Nazari, oo ah afhayeenka dagaalyahannada Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka, ayaa BBC World News waxa uu u sheegay in fallaagadu ay dib u riixday Taalibaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan Amrullah Saleh, oo dhawaan ku biiray kooxda NRF ee ka soo horjeeda Taliban ee Panjshir, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu baxsaday.

Sidoo kale wuxuu qiray in xaaladdu aad u adag tahay. Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalka ka socda Panjshir.

Dagaalyahannada wax-iska-caabbinta oo ay ku jiraan ciidamo hore uga tirsanaan jiray milateriga Afgaanistaan iyo maleeshiyaad maxalli ah – ayaa waxaa horkacaya hogaamiyaha qabiilka halkaas deggan ee Axmed Mascuud.

Aabihii ayaa guulo ka soo hooyay dagaalkii Midowgii Soofiyeet kaas oo dalkaas soo galay 1980-yadii, iyo weliba ururka Taalibaan oo uu la dagaallamay 1990-yadii.

Waxay ku taalaa woqooyiga caasimadda, Kaabul, dooxadani waa mid ka mid ah gobollada ugu yar Afgaanistaan ​​oo hadda ah gobolka keliya ee aan weli gacanta u gelin hayn Taalibaan.

Goobtaas oo caadiyan lagu yaqaan in laga mucaarado Taalibaan ayaa waxa ay hoy u tahay inta u dhaxaysa 150,000 illaa 200,000 oo qof, waxaana ku hareeraysan buuro.

BBC + Reuters