Daawo: Farmaajo iyo Kheyre oo ka hadlay ciidda Carafo & Waxa laga doonayo shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

“Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaaltinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa, waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.