Daawo: Farmaajo oo si cad uga hadlay waxa uu yahay heshiiska dhex maray isaga iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka ayaa kaga hadlay waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsaneyd heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex maray isaga iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay inay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ka wada hadleyn sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal isla markaasna ay meesha u imaan laheyd iskaashi iyo wada shaqeyn labada dhinac ah.

Madaxweynaha ayaa qiray in aasaaska wada hadalka laba dowladood uuba ka bilawday sidii mid kasta uu u ilaalin lahaa madax banaanida mid kale, wuxuuna sheegay inaysan jirin dowlad diyaar u ah inay dalkeeda ka tanaasusho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inay Soomaaliya ka gudubtay inay dowladaha kale kala hadasho amni iyo ciidan isla markaasna uu dalka hadda marayo in laga wada hadlo Iskaashi iyo isku socodka dhaqaalaha.

Wuxuu sheeay inay dowladaha shisheeyey markii hore naga aaminsanayeen inaan gaarin heer nagala hadlo dhaqaale balse uu hadda dalka marayo meel aad u wanaagsan ayna tahay in dadka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo kheyraadka dalka ka buuxo oo leh nooc kasta.

Wuxuu sheegay inay isaga iyo Ra’isulwsaaraha Itoobiya is fahmeyn, heshiiska is afgradka ahna uu yahay mid bilow ah ayna arrintaas kala mid yihiin dowladaha Jabuuti, Suudaan Kenya iyo kuwa kale oo tartan ugu jira sidii looga faa’ideysan lahaa Itoobiya oo aan bad laheyn sida uu Madaxweyne hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inaysan jirin heshiis hadda la saxiixay, balse ay jirto fikrado la isku afgartay oo loo saari doono guddi soo dharaandhiriyo markii ay howsha soo dhamaatana la hor keeno doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mar la waydiiyey madaxweyne Farmaajo inuu Itoobiya u saxiixay inay lahaato Dekadaha Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha kaga jawaabay inaysan jirin Dekad la bixiyey, Dakadahana ay leedahay Soomaaliya balse maalgashi lagu sameynayo.

Wuxuu tilmaamay inuu jeclaan lahaa xataa in Dekadaha la maalgashanayo ay ka bataan afar xabo maadaama uu sheegay inuu dalka leeyahay Xeeb aad u dheer oo uu Alle na siiyey.

Madaxweynaha ayaa dooda heshiiskaan laga keenay iyo shakiga dadka lagu abuuray dusha uga tuuray inay ka dambeeyaan Siyaasiyiin uu sheegay inaysan rabin horumarka dalka iyo inay Soomaaliya ka dhaqaaqdo meesha ay hadda joogto, isagoo xusay inaan loo hakan doonin.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa sheegay inay Soomaaliya tartan adag kula jirto dowladaha Africa  kaasoo ah sidii looga faa’ideysan lahaa 100-ka Malyan ee Itoobiyanka ah ee aan heysan Bad isla markaasna heli karo dowlado waaweyn oo maalgelin u sameyn karo.

Wuxuu sheegay inaysan Itoobiya lacag heysan, Soomaaliyana aysan heysan balse meesha lacagta laga helayo ay tahay dadka tirade badan ee Itoonbiyaanka ah ee aan heysan bad kuwaas oo awoodo inay helaan dowlado lacag leh oo maalgashta si looga dhex abuurto ganacsi.