Daawo Faroole: Xasan Sh. haddii aanu doorasho qaban karin, sidii C/llaahi Yuusuf ha isaga tago

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dagaalada ka dhacay degaanka Qorriow ee Gobolka Sool, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Federaalka inay saddexdii sano ee ay dhisneyd ku dhameysatay is-qabqabsi dhexdeeda ah iyo burburin maamuladii dhisnaa.

Faroole oo magaalada Garowe ka hadlayay kadib salaadii Ciidul Adxaa wuxuu sheegay in xukuumadii loo dhiibay Xasan Sheekh uu ku fashilmay howshii loo xilsaaray.

“Saddex sano ayaa khasaartay, maantana labadii Baarlamaankii iyo madaxtooyadii ayaa is heysta… Madaxweyne Xasan hadii aanu doorasho qaban karin, sidii C/llaahi Yuusuf kursiga waa ka tegay isagoo waqtigiisii dhamaaane isaga tag ayaan leeyahay” Ayuu yiri Mudane Faroole.

“Anigu ma fahmi karo waxaa la raadinayaa wax aan doorasho ahayn oo doorasho ah, sanad ayaa haray waxna waa la qaban karaa haddii si fiican loo shaqeeyo” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Wuxuu ku taliyay in colaada ka taagan gobolka Sool joojinteeda loo adeegsado dowlada Itoobiya, gaar ahaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA FAROOLE