Xildhibaano carrooday go’aan ka qaatay Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka horyimid qoraal kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cumar Cali iyo Xildhibaan C/laahi Goodax Bar, oo saxaafada la hadlay ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aanka uu qaatay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee uu ku sheegay in la dhameeyay mooshinkii laga gudbiyay madaxweyne Xasan Sheikh.

Xildhibaan Cumar Cali, ayaa sheegay in Jawaari uusan aheyn gudoomiye Maxkamad oo go’aan qaadan kara, ayna kasoo horjeedaan qoraalka kasoo baxay Jawaari oo lagu sheegay in la dhameeyay mooshinka.

“Gudoomiyaha baarlamaanka qoraalka uu soo qoray wax sharci ah kuma fadhiyo, annaga xildhibaanadii mooshinka keenay ayaan aheyn, sharciga ayaana lagu kala baxayaa, arinta uu sameeyay waa arin uusan wax sharci u heysan, gudoomiye Jawaarina maahan maxkamad go’aan cad qaadan”ayuu yiri xildhibaan Cumar.

Sidoo kale xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre, oo kamid ah xildhibaanada ugu cad cad xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa kasoo horjeestay qoraalka kasoo baxay Jawaari, isagoo sharci daro ku tilmaamay.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in marnaba aysan raacsaneyn go’aanka kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari, walina uu taagan yahay mooshinkii laga gudbiyay Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com