“Jawaari 2 arrin oon is lahayn buu isku qaldaa”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Xildhibaanada BF Somalia garabka Mooshinka ka geeyay Madaxweyne Xassan ay durbadiiba ka hor imaaden go’aanka kasoo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa hadana arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa sheegtay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka weecday sharciga iyo howlaha looga baahan yahay, waxa ayna sheegtay in Jawaari uusan ilaa iyo iminka aqoon u laheyn shaqooyinka khuseeya.

Xildhibaanada ayaa tilmaantay in Jawaari uusan aheyn Xaakim loo igmaday xukminta Mooshinka, balse looga baahan yahay in mar waliba ficilkiisa uu ku saleeyo aqlabiyada.

“Jawaari xor uma aha inuu laalo Mooshinka. maaha maxkamad ee waxaa looga baahan yahay inuu dhaqangaliyo mooshinka 93 xildhibaan ee kasoo horjeedo Xassan Sheekh”

”Arrinta xukminta mooshinka waa mid u taalla maxkamadda ama hadii ay jirto maxkamadda Dastuuriga ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya, isaga waxaan ka yeelnay si aanu dalka qalqal u gelin wada hadal, laakiinse ma ahayn inuu wax laalo ama wax la mid ah sameeyo”

Sidoo kale, Xildhibaan Fowsiyo ayaa saxaafada ka hor cadeysay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka beensheegay saxiixooda mooshinka ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sii fogeeyo mooshinka waa sida ay hadalka u dhigtay.

Iyada oo arrintaasi ka hadleysay ayay tiri “Laba xildhibaan ayaa dhahay anaga waa nalaga been abuurtay, laakiinse waxaa yaalla cadeymo ah in ay qeyb iyagu ka yihiin xildhibaanada keenay mooshinka, waana qorshe la doonayo in mooshinka lagu sii fogeeyo”

Fowsiyo ayaa sheegtay in Gudoonka sare ee Baarlamaanka uu wado qorsho uu ku sara kicinaayo Mooshinka, waxa ayna ka digtay in Jawaari iyo Xulafadiisa ay sii ololiyaan Mooshinka.

Geesta kale, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa cod dheer ku sheegtay in wixii wakhtigaani ka danbeeya Jawaari uusan cid la xisaabtami karin, sababtuna waxay ku sheegtay in gudoomiye Jawaari uu ku xadgudbay sharcigii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com