Xog: Gabar Somali ah oo la doonayo inay noqoto xog-hayaha guud ee QM iyo rajadeeda oo ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa aad u hadal heysa qorsho cusub oo ay wado Dowlada Kenya taasi oo la xiriirta sida ay lug ugu yeelan laheyd xafiisyada guud ee QM.

Qorshahaani ayaa waxaa wada Xukuumada Kenya oo dooneysa sida Wasiirka Arrimaha Dibada Amina Mohammed ay ku noqon lahayed haweeneydii ugu horeysay ee noqoto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xukuumada ayaa sheegtay inay dhamaatay mudadii uu xilka hayay Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moonoo oo ku eg sanada fooda nagu soo heyso ee 2016.

Dowlada ayaa dooneyso in Aamina laga wareejiyo xilka arrimaha dibadda sidaana ay ku badasho Ban Ki-Moonoo, waxa ayna Dowladu sheegtay in qorshaha Aamina xilkaasi loogu dhiibi lahaa uu iminka socdo, iyadoona ay ka dhowr sugeyso muddada gaaban ee Ban Ki-Moonoo xilkaasi uga harsan.

Haweeneydaani Amina Mohamed Jibril oo ah Somali-Kenyan ayaa horay usoo noqotay kaaliye Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo weliba ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Deegaanka, taasi oo Dowlada Kenya ku dhalisay inay ku degdegto in Aamina ay booskaasi u cariiriso, inkastoo aysan suuragal noqon Karin marka loo eego qorshooyinka reer galbeedka.

Dowlada Kenya si rasmi ah uma shaacin qorshahaani markii laga reebo qaar kamid ah wargeysyada dalkaasi oo xogtaani kasoo xigtay diblumaasiyiin ka tirsan Dowlada oo iyagu u dhuun daloola arrimaha Siyaasada dalkaasi.

QM ayaa aaminsan in Xilka xoghayaha guud ay qaban karto qof Haween ah, iyadoona uu horay Ban Ki-Moonoo u cadeeyay in wareega soo socda xilka ay qaban doonto qof dumar ah oo aan la cayimin.

Geesta kale, Wasiir Aamino ayaa xilkaasi ku qaban karta inay codka siiyaan 5-ta dal, iyadoona ay mamnuuc tahay in xubin kasoo jeeda Shantaasi dal uu qabto xilka uu iminka kasii dagaayo Ban Ki-Moonoo.

Magacyada musharixiin xilkaasi u taagan ayaa loo gudbiyaa wadamada ku jira Golaha Ammaanka waxayna yeeshaan kulamo albaabada la isku xirto kahor intaysan u gudbin musharaxa kama dambaysta ah Golaha Guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com