Washington DC (Caasimada Online) – Sawirro la qaaday ka dib weerarkii lagu qaaday Pentagon-ka 11 September 2001 ayaa dib uga soo muuqday barta FBI-da, 16 sano ka dib markii uu dhacay weerarkii argagixiso ee ugu weynaa ee abid ka dhaca dalka Mareykanka.
Sawirrada oo 27 ka kooban ayaa muujinaya shaqaale dab bakhtiinaya, iyo kooxaha samata bixinta iyo baareyaal baadigoob ka wada burburka, ayada oo sidoo kale la arko qeyb yar oo burburka diyaaradda weerarka lagu fuliyey ka mid ah.
Duullimaadkii American Airlines 77 ee ka soo duulay Virginia una socday LA ayaa dhismaha ku dhacay 09:37 subaxnimo ee xilliga saacadda bari ee Mareykanka.
Maamulayaasha Maraykanka waxay sheegeen in dayaaraddu ku dhacday dabaqa 1aad iyo kan 2aad ee Pentagon, oo ay dishay 184 qof, oo ka mid ah shaqaalihii ku sugnaa xarunta iyo shacabkii diyaaradda saarnaa.
Jillian Stickels oo ah afhayeenad u hadashay FBI waxay sheegtay in sawirrada markii hore la shaaciyey 2011, hase yeeshee mar kale dib loo shaaciyey
Waxay intaa ku dartay in cillad farsamo ay keentay in internetka laga waayo muddo aan la cayimin.
“Markii la ogaaday inaysan ku jirin dib ayaa loo soo galiyey mar kale si ay dadku u arkaan” ayey tiri.