Akhriso: Galmudug oo shaacisay jadwalka doorashada madaxweynaha

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhow si rasmi ah ugu dhawaaqay Jadwalka Doorashada heerka Madaxweyne ee maamulka Galmudug.

Jadwalka Doorashada ayaa waxaa si gaara u shaaciyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo iyagu sheegay in leysla fahmay xiliga ay dhaceyso Doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in musharixiinta looga baahan yahay inay isdiiwaan galiyaan iyadoo la dhowraayo shuruucda Doorasho ee maamulka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in isdiiwaan galinta ay ku egtahay wakhti loona baahan yahay inaan laga dib dhicin xiliga loogu tallo galay inay dhamaato isdiiwaan galinta.