Daawo sawirrada: Sidee ayey u dhacday xil wareejinta wasiir Beyle iyo Fargeeti

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa goordhow magaalada Muqdisho uga qeybgalay Munaasabad xil wareejin ah.

Munaasabadaani ayaa waxaa xilka kula wareegaayay Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maxamed Aadan Fargeeti, waxaana goobta xil wareejita ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa munaasabada ka sheegay inay muhiim tahay in Wasiir waliba oo xilka wareejinaaya ku fekiraa in xilka uu yahay mid wareegto ah isla markaana maalin un qaban doono.

Wasiirada xilka laga wareejinaayo ayuu ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyan Wasiirada cusub, maadaama howshu ay tahay mid Qaran oo aanu laheyn cid gaara.

Ra’isal wasaaraha ayaa Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo ku-xigeenadiisa kula dardaarmay inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda isla markaana ka fogaadan wixii dhib u keenikara Sumcada Qaranka.

Kheyre ayaa yiri ”Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ka fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah”.

Geesta kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.