Daawo: Feysal Cali Waraabe: Garoowe hadii ay joogsan weyso seeftii Cumar Bin Khadab ayaa qaadeysa

Hargeysa (Caasimada Online)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay colaado uu sheegay in dhinacyo badan ay Somaliland uga furan yihiin.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tusaale usoo qaatay culeysyo ka jira deegaanka Ceel-Afweyn iyo dagaalka Tukaraq ee weli ka socda Gobolka Sool.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in xanuunka ugu badan uu kaga imaanayo dhanka Tukaraq waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland laga qasaayo magaalada Garoowe.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Garoowe ay saldhig u tahay dhibaato, waxa uuna cadeeyay in tan iyo markii ay isku darsameen Somalia ay sidaa dhibaato u shidi jirtay Puntland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu yiri ‘’Waxa na qasaaya waa Garoowe, waxa ay kasoo jeesteen Somalia oo 5 Madaxweyne ay u sameeyen oo xabaashii ay ku rideen ayey usoo jeesteen Somaliland’’

‘’Puntland kuma ekaan doonto Tukaraq ee ilaa Kismaayo ayey is qabsan doontaa sidii Sagaashanka, anaga culimadeena wey na waaninayaan oo waxa ay naleeyihiin jooga, culimada Puntland waxa ay hubka u cabeynayaan ciidanka’’

‘’Anagu waan ehbineynaa Puntland waxaanu leenahay naga jooga, haddii ay diidaan waxaan qaadsiineynaa  seeftii cumar binu khadaab waxaanu tageynaa Garoowe’’