Farmaajo oo shaaciyey cida lagula xisaabtamaayo dhaqan galinta Heshiiska shirka Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka ee kusoo dhamaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo dhammaan qodobada kasoo baxay shirka Golaha Amaanka ee magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay diyaar u tahay inay ka dhabeyso dhaqan galinta shirka, hase ahaatee waxa uu arrin nasiib darro ah ku sheegay in laga weecdo ama la dhaliilsado qodobada lagu heshiiyay ee laga soo saaray shirka.

Waxa uu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay ahmiyad u leedahay inay ku dhaqmaan qodobada shirka, waxa uuna cadeeyay in Maamulada ka jira dalka laga doonaayo inay xooga saran sida lagu dhaqan galin lahaa shirka.

‘’Cid waliba ayey mas’uuliyad ka saran tahay inay aqbasho qodobada, waxaa ahmiyad noo leh inaan u taagnaano ku dhaqanka qodobo waliba oo aan ku xariiqno gacanteena’’

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay inaanu jirin cabsi uu ka qabo in maamulada ka jira dalka ay ka weecdaan qodobada lagu heshiiyay ee laga soo saray shirka Golaha Amaanka balse uu doonaayo inuu baraarujiyo dhinacyada qeybta ka ahaa shirka.

Sidoo kale, waxa uu Farmaajo ku celcelshay in Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada iyo Madaxda ka hooseeysa lagula xisaabtami doono hanaanka loo dhaqan galinaayo heshiiska shirka Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay in dhaqan galinta qodobada ay kala shaqeeyan dowlada iyo maamulada maadaama intooda badan ay iyaga quseeyan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com