Sawirro: Ethiopian ka tahriibay Boosaaso oo ku dhamaaday Xeebaha dalka Yemen

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’ada IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 46 qof ay ku dhinteen dooni siday Tahriibayaal oo ka timid nawaaxiga Bosaaso ay ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Doonida oo macquul aheyd ayaa siday Muhaajiriin Ethiopia-n ah kuwaa oo ay la rogmatay doonida xili ay marayeen meel ku dhow xeebaha Yemen.

Warbixin ay baahiyeen wakaladaha ayaa waxaa lagu sheegay in Doonidan ay waday dad gaaraya 100 qof oo Tahriibayaal ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wareysi lala yeeshay dadka ka badbaaday musiibadan ay sheegeen in weli la la’a yahay meydka dad gaaraya 16 qof oo ku maqan biyaha badda.

Waxaa lagu jah wareersan yahay waxa ilaa hadda sababay shilka doonidan, waxaana warbixinta IOM lagu sheegay in bil walba ay tahriibayaal gaaraya 7000 oo ka yimid Ethiopia ay soo gaaraan dalka Yemen.