Daawo: Fiqi oo shaaca ka qaaday adeeg cusub oo dalka oo dhan laga hirgelinayo 2024

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shalay daah-furay shirweynaha 2-aad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

Wasiir Fiqi oo hadal ka jeediyay shirweynaha ayaa shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso in sanadka soo socda ee 2024 dalka oo dhan laga hirgeliyo adeeg dad dhigis oo hufan, la iskuna haleyn karo.

“Shirweynaha labaad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ujeedkiisu waa soo jeedin howlaha qabsoomay iyo kuwa la qorsheynayo sanadka soo socda, kaasi oo ah hirgelinta adeeg dad dhigis, oo sharciyad leh, oo la isku halayn karo,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda guddigaan, isaga oo ku booriyay in laga shaqeeyo ka mira-dhalinta qorshahaan, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo dadaallada kel-keli iyo midka wadajirka ah ee socda.

“Guddigaan, oo ah guddi xubnihiisu isku dhafan yihiin kuwaas oo metela heer dowladd federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ah midka ay ku xiran tahay xil-gudashadiisa guulaysiga ama guul-darraysiga adeegga dad-dhigidda.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay hay’adaha caalamiga oo horay taageero uga soo qaatay barnaamijkan in ay sii wadaan shaqada.

Sidoo kale waxaa halkaasi kelmado kasoo jeediyay maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamullada kala duwan ee dalka ayaa dhankooda xaqiijiyay in degmooyinka ay diyaar u yihiin hirgelinta howlahan, islamarkaana ay sugayaan maalintii la bilaabi doono, uuna nidaamka muhiim u yahay caafimaadka, waxbarashada, tirakoobka iyo guud ahaan bedqabka dadka iyo dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka Wasiir Fiqi