Daawo: Qoys dhan oo ku indho beelay Muqdishoi, kadib musiibo ku dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Nolosha qoys Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan u dirsaday dowladda iyo shacabka, si loo caawiyo.

Qoyskan oo ka kooban 5 ruux ayaa waxaa ku dhacday musiibo rabaani ah, kadib markii ay aragga beeleen, waxaana kadib lasoo darsay xaalad adag, iyaga oo ku hoos nool geed hoostiisa.

Cabdi Axmed Maxamed oo ah Aabaha qoyskan waa 72 sanno jir , wuxuuna aragga beelay isaga oo 16 sanno jir ah, waxaana hadda ugu sii darsoomay xaalado caafimaad darro.

“16-kaas wixii ka dambeeyay waxaan ahaa nin indho la’, marka hadda xoogaa maskaxda ayaa iskay dhaafsan maahinee si fiican ayaan u shaqeysan jiray” ayuu yiri Aabaha Qoyska.

Sidoo kale carruurtii qoyska ayaa iyaguna lamid noqday Aaabe Cabdi Axmed Maxamed oo midba mar ayuu aragga waayay, balse qisada xanuunka badan ayaan ah in subax aroor ah carruurta oo qaarkood loo diray dugsiga dib loogu soo celiyay guriga iyaga oo aragga la’.

Xaliimo Cabdi Axmed oo kamid carruurtaas, waxay arragga weysay laba todobaad kahor, Sayd-Cali Cabdi Axmed, isaguna wuxuu aragga beelay laba bilood kahor, sida lagu soo bandhigan warbixintaan oo uu ka diyaariyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV).

Dhinaca kale Maxamed Diiriye Faarax oo ah adeerka qoyskan ayaa isuguna ka warbixiyay dhibaatada haysta reerka, isaga oo sheegay in aysan weli helin wax caawimaad ah.

Maxamed Diiriye ayaa intaas kusii daray in hooyada reerka uu ku dhacay xanuun kale oo aan la aqoon, isla markaana ay noqoto bareelis, waxna looga qaban waayey Digfeer.

“Waxaa halkan yaalla qoys ay musiibo rabaani ah isaga dhacday oo hadda wax loo sababsanayo aysan jirin Aabuhu wuu indha la’aa, hooyadii way soo dhacday bareelis weeyaan Digfeer ayay tiilay hal Isbuuc” ayuu yiri Adeer Maxamed Diiriye Faarax.

Ugu dambeyn qoyskan Soomaaliyeed ee dhibaatada adag wajahaya ayaa fariin cod dheer u diray dadka Soomaaliyeed, iyagoo ka dalbaday in loo gurmado, si ay u helaan caafimaad.