Daawo: Guddoomiyaha Kaaraan oo weerar ku qaaday Saney Cabdulle iyo beesha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii saaka degmadaas ku dhex-maray ciidamo ka wada tirsan millateriga dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay degmada ayaa sheegay in Ciidamo ka amarqaata Taliyaha Guutada 4-aad ee ciidanka xooga dalka, Korneyl Saneey Cabdulle ay weerar kusoo qaadeen waax kamid ah waaxyaha degmada Kaaraan.

“Saaka waxa uu dhib ka dhacay waax kamid ah degmada Kaaraan oo la yiraahdo Wajeer, waxaa soo weerary ciidan milateri ah oo uu xakumo taliyaha guutada 4-aad oo fadhigiisa uu yahay Gubadle,” ayuu yiri Guddoomiye Ciise.

“Aniga ma aqaan millateriga waxa ay ka qabtaan magaalada Muqdisho gudaheeda, qaasatan degmooyinka gobolka Banaadir, milateriga waxaa loogu talo-galay xuduudaha ee magaalada gudaheeda looguma talo-gelin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada millateriga ay boob ku hayaan dhulka degmada iyo Kaawooyinka, isagoona ka codsaday in Wasiirka Gaashaandhiga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir inay arrintaas wax ka qabtaan.

“Waxaa aad uga xumaha guddoomiyaha beesha Gubadley oo aheyn mansabkiisa waxa uu yiri Jagboynti noo yiilay ayaa waxaa soo weeraray degmada Kaaraan, anaga waxa aan xuduud leenahay uma yaalan Jagboynti, waxa la rabaa in la weydiiyo waxa loo dhigay Jagboynti-ga u dhigay beesha Gubadley.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalkii saaka uu waxyeelo badan gaarsiiyey dadka deegaanka, uuna ka dhashay dhaawac iyo dhimasho, islamarkaana uu sababay barkac hor leh.