Daawo: Khadiija Diiriye oo la noqotay lacag kumanaan dollar ah oo ay u diri laheyd Barkhad Jaamac Batuun

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in lacag dhan $15,000 (Shan iyo toban kun oo dollar) ay ka ceshatay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, taas oo markii hore ay ugu tala gashay inay gaari ugu iibiso.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay inay tallaabadaas go’aansatay markii ay aragtay sida Xildhibaan Barkhad uu uga hadlay dadkii sida qasabka ah ay Somaliland uga soo musaafurisay deegaanadeeda oo magaalada Laascaanood ay ugu horeyso.

“Barkhad hadalkiisii waan dhageystay runtii waan la yaabay, laakiin kusoco ayaan ku leeyahay Barkhadow, hadii ay kula wacan tahay sidaas, ogaaw dadka Soomaaliyeed ee dadkaas aad ku diganeyso ay kasoo jeedaan, intii aan hiil iyo hoo kula soo gaarin niyadda ayey kaaga duceynayeen,” ayey tiri wasiir Khadiija.

Sidoo kale wasiir Khadiija Diiriye waxay sheegtay inay aruurisay lacag $15,000 ah, taas oo 3,000 ay iyadu bixisay, inta kalena ay siyaasiyiin kale kasoo aruurisay, balse hadda waxay cadeysay in 3-deeda kun ay ugu deeqeyso dadkii laga soo tarxiilay Somaliland, 12-ka kun ee soo hartana ay dib ugu celineyso dadkii lahaa.

Wasiir Khadiija oo gacanta ku heysa lagactaas shan iyo tobanka kun ah ayaa sheegtay in 6-da qof ee 12-ka kun ay ka soo aruurisay ay ku jiraan kuwo ehel la ah dadka uu Barkhad ku qancay in laga soo tarxiilo dhulkoodii.

“Lacagtii aan kuu balan qaaday mid Akoonkeyga ku jirta maaheyn ee waxaan kuu balan qaaday inaan kaaga soo qaado dadka aan saaxiibada nahay, laakiin nasiib darro dadka aad dhibkooda ku faraxday ehelkooda ayaa lacagtaan bixiyey, aniguna waxaan damacsanaa in $20,000 aan kuu soo diro,” ayey tiri.

Wasiir Khadiija waxay sheegtay in Barkhad ay u balan qaaday inay gaari fiican u gadeyso, kadib markii uu u sheegay in lacag ka badan 9,000 uu ku gaday gaarigiisii, si uu lacagtaas ugu caawiyo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, intii lagu jiray codeynta doorashadii uu ku soo baxay iyo haweenkii ay fooshu ku qabatay goobaha cod-bixinta.

“Aniga 3-deyda kun waxaan ku wareejinayaa guddigii ay K/Galbeed u magacaawday samata-bixinta dadkaas, kharashka kalena dib ayaan ugu celinayaa saaxiibadii lahaa, adigana waxaan alle kaaga baryaa inuu xaqa ku tuso, ma awoodo R/Wasaaraha aan wasiirkiisa ahay inaan mushaarkiisa lacag ka mid ah kuu soo diro, sidoo kale saaxiibadii ila damqaday oo dad ku heyb ah qoysaska la dhibaateeyey ay ku jiraan, waxaan ka qaaday inaan kuu soo diro,” ayey tiri wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Ugu dambeynti waxay sheegtay in ka wasaarad gargaar ahaan wixii ay u awoodaan dadkaas ay maalmaha soo socda gaarsiin doonaan maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka Daawo