Daawo: Guddoomiyihii hore ee degmada BARAAWE oo xabsiga laga sii daayey

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadaallo dheer, kadib lagu guuleystay in maanta xabsiga laga sii daayo guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmadaasi, kaas oo Jimcihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ee Booliska ay xireen, kadib xiisad ka dhacday halkaasi.

Shafaana ayaa waxaa loo xiray shaqaaqo 14-kii bishan ka dhacday degmada Baraawe, taas oo u dhexeysay isaga & xildhibaan kale oo lagu magacaabo Deeq Cumar Saalax (Insaani).

Odayaasha dhaqanka, saraakiisha hay’adaha amniga degmada iyo xeer ilaaliyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleystay in mas’uulkan la soo daayo, ayada oo kadib kulan ka dhacay magaalada Baraawe lagu heshiisiiyey labada xildhibaan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo intaas kadib raali-gelin siiyey xildhibaan Deeq Insaani oo ay kuwa jiraan golaha deegaanka.

“Odayaasha dhaqanka degmada iyo mas’uuliyiintii isku howlay shaqaaqadii maalin dhoweyd dhacday runtii ee xalkeeda odayaasha ka gaareen. Walaalkey Deeq kista yar ee maalmahaan na dhex martay cafis iyo ma saamax waxba uma heysto,” ayuu yiri Cumar.

Dhankiisa Xildhibaan Deeq Cumar Saalax (Insaani) ayaa cafis weydiistay guddoomiyihii hore ee Baraawe, wuxuuna tilmaamay in xiisaddii taagneyd ay halkaas kusoo dhammaatay.

“Wixii way dhammaadeen Nabadoonada way ku mahadsan yihiin, mas’uuliyad culus ayey qaadeen arrintaasna hadda way dhammaatay aniga iyo walaalkey wax aan isku qabno ma lahan, aniga xageyga cafis waayey” ayuu yiri Mudane Deeq Cumar Saalax (Deeq Insaani).

Baraawe ayaa waxaa inta badan ka dhaca shaqaaqooyin soo laa laabta oo u dhexeeyo mas’uuliyiinta maamulka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga guud ee magaaladaasi.