Koox ciyaal weero ah oo dil ka geysatay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay koox ciyaal weero ah ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dhacdadaan ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeyso halka loo yaqaano Dabaqiinka iyo Suuq Liif ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Kooxda ciyaal weerada ah ayaa si arxan u dishay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ciise Sheekh Ibraahim, waxayna la sheegay dilka ay u adeegsadeen Toorey ama Mindi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ciyaar weerada ee dilka fulisay ay goobta isaga carartay, waxaana dhacdadaan walaac ay ku abuurtay dadka shacabka ee ku nool halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydka wiilka yar kasoo qaaday halkaasi, waxayna geeyeen xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenleyd oo ku aadan dilka xalay ka dhacay gudaha degmadaasi.

Dharkenley ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinka xoogan ka geystaan kooxaha ciyaal weerada ee ka jira xaafadaha Muqdisho, kuwaas oo ay qaati ka taagan yihiin shacabka.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, ayada ciidamada ammaanka oo wada howlgallo culus ay maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal weerada.