Sawirro: R/W Xamza oo ka dagay magaalada JIGJIGA

Jijiga (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, halkaas oo si diiraan loogu soo dhoweeyey.

Xamza iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb galay shika sanadlaha ah ee Madasha Tana, kaas oo looga hadlaya amniga Afrika.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Wiil Waal kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiin kale iyadoo kadib loo galbiyey dhanka madaxtooyada.

Labada mas’uul ayaa wadahadallo gaar ah ku yeelan doono dhismaha xarunta ismaamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wadahadalladan intooda badan diiradda lagu saaray amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan weeraro ka fulisay halkaasi.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu Xamza Cabdi Barre ku tegay magaalada Jigjiga, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, waxayna magaaladaan ka mid tahay meelaha sida weyn looga soo dhoweeyey magacaabistiisii.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqonaya mas’uulkii labaad ee Soomaaliyeed oo booqda Jigjiga, waxaana uga horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh oo xil heyntiisii hore booqasho ku tegay, xilligaas oo uu madaxweyne ka ahaa DDS, Cabdi Maxamuud Cumar.