Sawirro: Safiirkii ugu awooda badnaa safiirada Muqdisho fadhiya oo la beddelay

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub oo lagu magacaabo Cabdalla Saalim Nasser Al-Holie oo ah diblomaasi sare.

Cabdalla ayaa waxa uu bedelayaa Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamza, oo ahaa Safiirka dalkaas tan iyo 13-kii July ee 2014-kii. Waxa uu ahaa mid ka mid ah safiiradii ugu waqtiga dheeraa ee joogay Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa safari Hamza Muqdisho ugu qabatay xaflad sagootin ah, oo uu ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Haruuse, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda. Waxaa sidoo kale ka qeyb-galay safiirka Turkey Mehmet Yilmaz.

Safiirka Xasan Bin Xamza ayaa lagu amaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar xilligii madaxweyne Farmaajo.

Balse waxa uu sidoo kale muddadaas ahaa safiirka ugu awodda badan Muqdisho, isaga oo si buuxda u maamulayey dowladdii Farmaajo, awooddaas oo soo geba-gebowday markii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay 15-kii May 2022.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo kamid ah Khaliijka oo isbedel ku sameeya Safiirkii Soomaaliya u joogay, ayada oo horay Imaaraadka Carabta uu Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya.

Qatar ayaa ah kamid ah dalalka mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo samafal ah ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay, kuwaasi oo ay kamid yihiin dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dhawaan la bilaabi doono Wadada Balcad iyo Jowhar oo gacanta lagu hayo mashruuciisa.