Daawo hooyada Cabdi Iley oo farriin soo dirtay iyo Iley oo xabsiga ku xanuusan

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa lasoo sheegayaa in iminka uu ku xanuunsanayo xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Cabdi Iley, ayaa la soo sheegayaa in xabsiga uu ku xanuunsan yahay maalmo, sida ay sheegtay hooyada dhashay.

Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar oo magaceeda ku sheegtay Deed Mahad Colow oo kasoo muuqatay muuqaal kooban oo laga soo duubay, ayaa dowlada Ethiopia ka dalbatay inay usii deyso wiilkeeda.

Hooyadan ayaa dadka shacabka ah ee kasoo jeeda DDSI sidoo kale ka dalbatay inay cafis u fidiyaan wiilkeeda, maadaama ay dhibaatooyin ka tirsanayaan.

Nuqul kamid ah haddalka Hooyadan ayaa ahaa  “Magaceygu waa Deed Mahad Colow, waxaan ahay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto inaad cafisaan Cabdi Maxamuud oo gacanta ugu jira cadow”

“Waxan Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo maadaama uu xanuunsan yahay si uu u helo caafimaad”.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka federaalka Ethiopia.

https://youtu.be/gdvSG_RKzQ4?t=35

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com