Daawo: Hooyada dhashay wasiir Cabaas Siraaji oo soo dirtay farriin ay hal arrin ku dalbatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamo Xaliimo Salaad Fiile oo ah hooyada dhashay Wasiirkii howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Allaha u naxariiste Cabaas oo lagu dilay Muqdisho, kaasoo ay toogteen ilaalada hanta Dhowrihii hore ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa ka hadashay xukanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee dalka.

Maamo Xaliimo oo hadalkeeda uu ka muuqday Murugo farabadan ayaa maxkamadda sare ee dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay ka dhabeyso go’aankii ay ka gaartay Dalbe Caydiid oo ah askarigii dilka u geystay Wasiir Cabaas.

Maamada oo farrin usoo dirtay dowladda ayaa si sharaf leh u codsatay in tiirka la geeyo askariga ka dambeeyey dilka Wiilkeeda oo ay ku sheegtay inuusan cidna dulmin isla markaasna uu u shaqeenayey shacabka Soomaaliya.

“ Soomaaliyuu u meel joogaay, dulmi ma wadan, dabalaa dilay, haddana waranka intay igu dhufteen ayey igu gil gileyn” ayey tiri

“ Maanta waxaan maxkamadda sare ka codsanayaa in go’aanka ay ku dhawaaqday in la fuliyo” ayey tiri maamo Xaliimo

Hadalka Maamo Xaliimo ayaa kusoo aadayo xilli ay jirto xiisad ku aadan xukunka dilka ah oo u dhaxeyso dowladda Soomaaliya iyo beesha Habargidir,

Madaxda dowladda ayaa go’aan ku gaaray in la toogto dable Caydiid oo ah gacan ku dhiiglihii dilay Wasiir Cabaas, waxaana jiro dadaalo ay wadaan odayaal kasoo jeedo beesha Ceyr oo doonayo in kiiskaan lagu xaliyo qaab beeleed lana joojiyo xukunka toogashada.