Daawo: Imaamka Mudullood oo caddeeyey saxiixaha rasmiga ah ee kursiga ‘uu ku guuleystay’ Yaasiin Farey

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa si adag uga hadlay dooda ka taagan doorashada kursigii uu ku soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kaas oo tirsigiisu yahay Hop#067, waxuuna ka mid yahay kuraasta golaha shacabka ee doorashadooda lagu qabtay Dhuusamareeb.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa caddeeyay in hanaan sax ah aan loo maamulin doorashada kursugaas, iyadoo la garab maray nabaddoon Cali Jeesto oo masuul ka ah saxiixa kursigaas.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka ayaa fariin u diray guddiga xalinta khilaafaadka oo haatan ay hor taallo dacwada kursigaas ay beesha Waceysle ku doodeyso in la boobay, waxuuna kula taliyey in xaqa iyo baadilka ay dadka u kala saaraan.

“Qoladiina khilaafaadka fartaa inku godneed ayaantaan, waxaa la dinka rabaa inaad wax saxdaan, xalay waxaan maqlaayey Ra’iisul wasaaraha oo idinla dardaarmaaya, waxaa la idinka rabaa wixii qaldamay inaad saxdaan, sidoo kale waxaan cadeynaa in Cali Jeesto yahay duqa Waceysle,” ayuu yiri Imaamka beelaha Mudullood Maxamed Yuusuf.

Hoos ka daawo