Ra’iisul Wasaaraha Sudan oo is-casilaya hal arrin darteed

Khartuum (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa xilka ka tagi doona haddii la dhaqan-geli waayo heshiiska siyaasadeed oo uu la saxiixday milatariga toddobaadkan.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha Hamdok ayaa sidoo kale xilka ka tagi doona haddii uu ku guuldareysto inuu taageero ka helo kooxaha siyaasadda.

Hamdok ayaa laga sii daayay xabsi-guri, waxaana dib loogu soo celiyay shaqada Ra’iIsul Wasaare-nimo.

Heshiiska Hamdok uu banaanka ku yimid ayaa waxaa wada gaaray xubnaha rayidka ee uu hoggaamiyo iyo militariga Suudaan bishii Noofambar 21-keeda, waxaana Hamdok uu xirna muddo afar todobaad ah.

La-wareegista xukunka ee Ra’iisul Wasaare Hamdok oo ku timid heshiiskii awood qeybsig sanadka 2019, kaas oo u dhaxeeyay militariga iyo kooxaha siyaasadeed ee ku lugta lahaa ridistii hoggaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir.

Kooxahaas ayaa diiday heshiiskan cusub. Sidoo kale waxaa diiday xoogagga iska caabin ah oo abaabulay olole mudaaharaad ah.

Mudaaharaadyadii u dambeeyay ayaa labadii berri ee u dambeeyay tobanaan kun oo qof isugu soo baxeen bartamaha Khartoum, iyaga oo ku dhawaaqayay halku-dhigyo ay kamid yihiin “Lama wadaagi karo, gorgortanna iyo tanaasulna ma jiraan”.

Afgambiga ayaa soo afjaray laba sano oo xukun rayid oo ku-meel gaar ah, waxaana uu horseeday cambaareyn calami ah, ayada oo beesha caalamka ay dalbatay in lasoo celiyo dowladda rayidka.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa 4-tii November ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka.

Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneysay in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan.

Washington ayaa si deg-deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii