Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qaraxiyey duleedka Kismaayo + Khasaaraha

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ramiga ah ee ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan 4 qof oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Gabi ahaan baabuurka uu qaraxu qabsaday ayaa ku burburay goobta, waxaana la sheegay in dadka la socday ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo biyo doonayey xilligaasi.

Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyey dadka ay waxyeelada soo gaartay shacabka deegaanka oo goobta kasoo qaaday meydadka dhalinyarada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka bixiyey qaraxaas ee ay wxyeelada kasoo gaartay dadka shacabka ah.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, iyada oo saaka aroortii hore ciidamada Danab ay gudaha u galeen Buulo Xaaji oo ay howl-gal ka sameeyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan halkaasi, waxaana inta badan ay dhabaha u galaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay ku qaadaan weeraro khasaare geysta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii