Dagaal culus oo dhex-maray ciidamada Iran iyo Taalibaan

Tehran (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa ciidmada Taaliban iyo askarta Iran ku dhex-maray meel ku dhow xuduudda Afghanistan iyo Iran, hase yeeshee kama dhalan wax khasaare ah, waxaana goor dambe lagu qeexay “is-faham darro”.

Muuqaallo dhowr ah ayaa muujinayey dagaal-yahanada Taaliban oo is-abaabulaya. Waxaa sidoo kale la maqli karay rasaas xooggan, halka muuqaal kale uu muujiyey ciidamada Iran oo ridaya madaafiic ayaga oo ka jawaabaya rasaasta Taalibaan.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa xaqiijisay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Shaghalak ee degmada Hirmand. 

Tasnim, oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sheegtay in halkaas horey looga dhisay darbi ku yaalla dhinaca Iran, si looga hortago dadka kasoo galaya dhanka Afghanistan.

Dagaalka ayaa hadda dhammaaday, waxaana mas’uuliyiinta Iran ay xaaladda kala hadlayaan Taalibaan, sida ay sheegtay Tasnim. 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Saeed Khatibzadeh ayaa goor dambe bayaan uu soo saaray ku sheegay in “is-faham waa u dhaxeeyey dadka degan xuduudda” uu horseeday dagaalka, isaga oo aan magacaabin Taalibaan. 

Muqaallo la baahiyey ayaa muujinayey ciidamada Taalibaan oo ku sugan dhufeyso Iran, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in dhowr dhufeys ay qabsadeen. 

Tasnim ayaa beenisay in goobo laga qabsaday Iran, hase yeeshee waxay sheegtay “in muuqaallada la baahiyey qaarkood ay yihiin kuwa la qaaday markii dagaalka uu qarxay, islamarkaana ciidamada Iran ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan xuduudaha dalka.”

Iran si rasmi ah uma aqoonsan Taalibaan tan iyo markii ay xukunka Afghanistan la wareegeen bishii August kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka iyo NATO. 

Saraakiisha Iran waxay sheegeen in aqoonsi ay siiyaan Taalibaan ay ku xiran tahay dhisidda dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee waxay Mareykanka ugu baaqeen inay cunaqabateynta ka qaadaan Taalibaan, si looga baaqsado xaalad bani’aadamanimo oo darran. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii