Guddiga doorashooyinka dalka oo ka horyimid dalabkii Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay tabashada haatan golaha midowga musharxiinta mucaaradka ee ku aadan qaabka ay ku socota doorashada dalka 2021-ka.

Cirro ayaa marka hore shaaca ka qaaday in ka guddi ahaan ay ka shaqeynayaa, sidii ay doorashada ku noqon laheyd mid daah-furan, wuxuuna tilmaamay in haatan waxa uu Koonfur Galbeed u joogo ay tahay xallinta cabashada ka timid kuraast qaar ee la doortay.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu ka horyimid dalabkii kasoo baxay xubnaha musharixiinta mucaaradka ee ku aadanaa in la hakiyo doorashada socota, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan jirin sabab loo joojiyo doorashada oo uu tilmaamay inay marar badan dib u dhacday.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan dan ugu jirin dalka iyo dowladnimada in waqti kale laga sii lumiyo dadka Soomaaliyeed.

“Anigu ma arko sabab loo hakinayo doorasho in badan baa doorashada dib u dhacday waqtigeedii ayey ka dib dhacday hakin kale oo sii gashana wadanka dan uma ah, dowladnimada dan uma ah. Marka aniga iima muuqato sababo loo hakiyo doorashada,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta illaa iyo hadda ay doorashada Golaha Shacabka u guda-gali la’yihiin maamullada HirShabelle, Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna shaaciyey inay marweliba ku cel-celinayaan inay bilaabayaan qabashada doorashada .

“Markasta oo xiriir na dhex-maro waxa ay sheegaan inay bilaabayaan, ayna u diyaarsan yihiin marka intaa wax ka badan ma jiraan,” ayuu sii raaciyey guddoomiyuhu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay qabashada doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho ka keeneen xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka oo hoggaanka Villa Soomaaliya ku eedeyey inay ku shubaneyso doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii