Daawo: Indha-Cadde oo ka digay ‘qorshe xasaasi ah oo la diyaarinayo’ 12-ka April

Muqdisho  (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay afgambi uu sheegay in madaxweyne Farmaaho uu damacsan yahay 12-ka April, oo ah maalinta xuska Ciidanka Xooga dalka.

Indha-Cade ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qorshaha Farmaajo, isaga oo ciidamada qeybahooda kala duwan ugu baaqay inaysan ku kadsoomin damaciisa, oo aan loo adeegsan dadkooda.

“Dadkaan lagu dhaaranayo oo qoryaha sita oo ciidanka iyo saraakiisha ah ee la siiyay garaadada ee la rabo inay dadkooda ku laayan waa dad damiir leh, Farmaajow garaadaha ha iska bixin wiilashaan dadkooda layn maayaan,” ayuu yiri.

“Wiilasha waxaa leeyahay jaaniska ka faa’iideysta oo lacagta iyo garaadaha qaata, warkaaga yeelanya dhaha oo shaqadiina qabsada, yuusan jaaniska idin dhaafin. Xoogaga yar iyo garaadada waa ka qaadanayaan waana iska kaa dhicinayaan.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ku tilmaamay Nin qabiileysta ah oo aan aheyn madaxweyne Soomaaliyeed oo maafiya ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo hadii uu madaxweyne Qaran yahay 16-ka kursi ee Gedo kuma dhageen, ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste. Kama baqeyno oo runta ka xishoon meyno, saddex sano ayaa la taliye u ahaa waxa uu yahay oo uu ka shaqeeyo ayaa ognahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay fashilayaan qorshaha qalafsan ee Farmaajo, isaga oo ugu baaqayna in uu dib uga laabto arrintaan haddii kale uu laftiisa ku guban doono.