Yuusuf Garaad oo sheegay arrin looga gudbi karo xiisada cusub ee dalka ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee ka dhalatay dhameystirka doorashada.

Yuusuf Garaad oo warbixin soo dhigay Facebook-giisa ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ay tahay wadada kaliya ee looga gudbi karo xiisadda siyaasadeed iyo mida amni ee  ka taagan dalka.

“Doorashadu waa waddada keliya ee inoo furan oo uu dalku uga gudbi karo qulubka siyaasadeed ee qotada dheer iyo khatar amni oo ay ka mid tahay digniinta NISA ee ah in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha la doonayo in la dilo” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa keliya oo ka harsan gunaanadka doorashadu waa in is afgarad laga gaaro kuraasta Gedo iyo muranka Afar kursi, kuwaas oo weliba laba ka mid ah aan maqlayo in ay yihiin arrin farsamo,”.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa sidoo lale soo hadal qaaday xalka arrintan iyo sida looga gudbi karo, wuxuuna shaaciyey  in duuduub loogu xallin karo Baarlamaanka oo fariista, kadibna doorta guddoon cusub.

“Sida keliya ee arrimahaas dudduub loogu xallin karo, waa Baarlamaanka cusub oo fariista, oo dhakhso u doorta Guddoon. Wuxuu noqonayaa billowga awood sharciyad haysata,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay si qab-qabsiga siyaasadeed ee ka jira dalka iyo daaha doorashooyinka weli socda.