Daawo: Yuusuf Indha-Cade oo shaaciyay qorshe uu ka ogaaday Farmaajo oo uu uga digay Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimada Online)  – Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa markii u horeysay shaaciyay in Mukhtaar Roobow oo dhawaan kamid noqday Wasiirada cusub uu la wadaagay qorshaha xarigiisa ee la damacsaneyd dowladdii hore.

Jeneraal Indha-Cade ayaa sheegay in markii uu ka war-helay qorshaha xariga uu la wadaagay Mukhtaar Roobow oo ku sugna Baydhabo, hase yeeshe uu Roobow u bareeray khatar kasta oo uga imaan karta hankiisa siyaasadeed.

“Maalintii la xirayay habeenkii ka horeeyay ayaa la hadlay ha imaan xafladaas ayaa ku idhi waa lagu xira, meesha doorasho kama jirto qof ayaa loo wadaa ayaa ku idhi, wuxuu yidhi intii la dhihi lahaa Mukhtaar wuu cararay oo waa baqday in la idilo ayaa ka door bidi lahaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in qorshaha xarigii Roobow lagu keenay Muqdisho uu ka ogaaday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in xiligaas uu la-taliye u ahaa, kana soo horjeeday arrintaas.

“Ilaahay waxaa ugu baryaya xilka loo dhiibay in uu la garab galo. Waxaa ka jeclaan lahaa in Wasaaradda Cadaallada loo dhiibo maxkamadaha cadaalad daro badan oo ka jirta. Taas haddii la waayay ta ku xigta waaye, waa u hambalyeynayaa.”

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.