Koox dhibaato ku haysay shacabka MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)  – Taliska Booliiska ayaa soo bandhigay dad ay kusoo qabteen howl-galo ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuna soo qabteen Rag ku eedeysan burcadnimo iyo dil.

Taliska Qaybta Bari ee Booliiska gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen qof ku eedeysan dil oo baxsad ah.

“Waxa aan helnay Nin gacan ku dhiigle ah, Ciyaar weero Dad dishay oo baxsatay, Nin ka baxsaday Saldhigga isaga oo weli katiineysan, Guri la dhigay Xashiishka iyo Rag inta dhammeeyay hantida Dadka oo suuqa geysta Xoolaha la dhaqdo, dhammaan dadka aan soo qabanay waa intii uu sharciga doonayay,” ayuu yiri Taliyaha qaybta Bari ee Booliiska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in raga lasoo qabtay loogu dul tagay Mootooyin ay ka dhaceen dadka shacabka, kuwaasi oo laga badalay sumadda (taarikada), islamarkaana ay dib u kireeyaan, si ay lacago uga macaashan. si loo raad baabi’iyo.

“Ciidamada Booliiska oo qaybtii labaad ee howl-galka Samakaab sameeyay waxa ay gacanta kusoo dhigeen Mootooyin laga dhacay oo aan la garaneyn cidda leh oo taarkada waa laga baddelay waana mooto cusub.”

“Waxa aan galnay Xaafado isku raran ah, waxa aan soo helnay intii Maxkamad iyo Saldhig laga rabay, Mootooyin waxaa soo helnay isaga xareysan karaashyo, waxaa laga baddelay taarkooyinkii, magaalada ayaa laga soo dhacay, Nin baa loogu shaqeeyaa, waana heynaa dadka loogu shaqeynayay tobankaas dollar ayaa loo tuuraa, haddii la dhaho yaa leh meel laga keenay lama yaqaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay ka gun-gaarista Ciyaar-weerada, dadka Sharciga ka dhuumanaya iyo Burcadda, kuwaasi oo dhibaatooyin hore leh ku haya shacabka.

Hay’adaha amaanka dowladda federaalka ayaa xoojiyay howl-galada ay ka sameynayaan degmooyinka gobolka Banaadir, kaddib markii ay ku soo kordheen burcadda hubeysan ee dhaca geysata.