Daawo: Isbar bardhiga waxqabadka dowlada Madaxweyne Farmaajo & Xasan Sheekh (Wax qabadka mudo Kooban)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ‘’Farmaajo’’ ayaa saanad ka hor shalay oo kale loo dhaariyay gudashada wajibaadka Qaran ee ka saaran xilka Madaxweyne, kadib markii loo doortay xilka.

8-February 2017 Doorasho ka dhacday Muqdisho ayaa Madaxweyne ‘’Farmaajo’’ waxa uu kaga soo baxay si lama filaan ah musharaxiin gaarayay 22 oo kula tartamayay kursigaan.

Farmaajo ayaa markii lagu dhawaaqay guushiisa waxaa muddo laba cisho ah magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ka socday dibadbaxyo lagu taageerayay Madaxweynaha, halka caasimadaha adduunkana xiliga doorashada ay ka socdeen dibadbaxyo lagu soo dhaweynaayay soo bixitaanka Farmaajo.

Farmaajo oo iminka sana jirsaday ayaa waxa uu qaaday talaabooyin guulahooda ay iminkaba muuqdaan, waxaana xusid mudan inuu ka dheereeyay dowladihii hore isagoo dalka maamulaaya muddo hal sano ah.

Dadka daraaseeya Siyaasada ayaa aaminsan in wax badan uu qabtay Madaxweynaha mudadii sanadka ahaa ee uu xilka hayay, welina ay harsan yihiin waxyaabo badan oo wax ka qabasho u baahan.

Waxqabadkii muuqday muda sanadka ah ee dowlada waxaa kamid in dalka dib loogu soo celiyo Soomaali badan oo ku xirnaa dalalka dibedda, bixinta mushahaarad shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Hufnaanta maamulka maaliyadeed iyo arrimo kale.

Waxaa isla sanadkaas jiray caqabado badan oo soo wajahay Dowladda oo dhaxalsiiyo guul darrooyin siyaasadeed iyo mid amni kuwaas oo ay kamid yihiin qaraxyo dalka ka dhacay oo kuu jiro qaraxii ugu weynaa ka dhaca abid qaaradda Afrika kaas oo ahaa kii ka dhacay isgoyska Soobe, dil loo geystay wasiir ka tirsanaa xukuumadda, qalal siyaasadeed oo ka dhashay mowqifkii dowladda arrimaha khaliijka oo sababay khilaaf siyaasadeed oo soo kale dhexgalay dowladda iyo maamul goboleedyada qaar, dareen shacab oo ka dhashay go’aankii dowladda ee Ethiopia ugu dhiibtay sargaalkii ka tirsanaa ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax), Xarig lagula kacay xubno mucaarad ku ah dowladda.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu heynaa Muuqaal soo koobaaya isbarbar dhiga dowlada Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh.

https://www.youtube.com/watch?v=3yCs24VKZfg