Daawo: Siduu ahaa dareenka Shacabkii 27sano kadib Diyaarad habeen  ka duushay ka raaca Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa daboolka ka qaaday in Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho uu si rasmi ah u shaqeynaayo xiliga habeenkii.

Dowladu waxa ay sheegtay inay kaalin weyn ka qaadan doonto sida Diyaaradaha duulimaadyada ay ugu dhiiran lahaayen shaqooyinka xiliyada habeenkii.

Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Hawada Maxamed C/llahi Oomaar, ayaa sheegay in sharaf weyn ay u tahay in 27 Sano kadib ay Somalia ka hirgasho safarada habeenkii.

Wasiir Oomaar waxa uu sheegay in Diyaaradii ugu horeysay ee xili Habeena duulimaadyada ku dhiirata ay tahay Diyaarada ‘’Ocean’’, waxa uuna ku baaqay in kuwa kale ay ku daydaan.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Beyle ayaa kamid ahaa dadka ka duulaayay Garoonka Aadan Cadde, waxa uuna shacabka la raacay Diyaaradii ay saarnaayen.