Sawirro: Hogaamiye Waare & Xildhibaanada HirShabelle ee BFS oo wada kulmay

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka hoose iyo sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda dhexe.

Hogaamiyaha iyo Xildhibaannada  ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Somalia iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida  ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hirshabeelle.

Kulanka inta uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in Xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda Dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulka haatan jira.

Hogaamiyaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan.

Sidoo kale qaar ka mid Xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Hogaamiyaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha.

Hogaamiyaha maamul Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale uu kulamo kula qaatay qaar ka mid diblomaasiyiinta beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin horumarinta Hirshabeelle.