Video: Madaxweyne Farmaajo oo si toos ah shacabka ugu jawaabay su’aalo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay bulshada si toos ah ula hadlay xili maanta ay ku beegan tahay sanad guuraddii koowaad markii xilka loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo oo BBC la hadlayay isla markaana ka jawaabayay su’aallo shacabka soo weydiiyeen ayaa markii ugu horeysay faah faahiyay kiiska C/kariin Qalbi Dhagax, wuxuuna sheegay in arrintaasi baarlamaanka Somalia uu go’aan ka gaaray, go’aankaasina uu ku raacsan yahay.

“Waxaan ognahay in baarlamaanka arrinta Qalbi Dhagax aad ugu hadleen, go’aan kama danbeysna ay kasoo saareen, maadaama hay’adda ugu sareysa baarlamaanka uu yahay, waxaana aaminsanahay in go’aanka ay gaareen uu yahay mid kama danbeys ah” ayuu yiri madaxweynaha oo aan wax faahfaahin dheeri intaas ka ah ka bixin su’aashii laga weydiiyay Qalbi Dhagax.

Su’aallaha madaxweyne Farmaajo oo aad u badnaa halkaan hoose ka daawo jawaabahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com