Sawirro: Dad shacab ah iyo wasiirka maaliyada oo caawa ka duulay garoonka diyaaraddaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarad rakaab oo ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducally Beyle iyo dad shacab ah.

Wafdiga wasiirka maaliyadda ayaa garoonka ka raacay diyaarad dad shacab ah siday, taasi oo fiidnimadii caawa ka duushay Aadan Cadde, kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka ayaa halkaasi uga qeyb galaya shir ku saabsan dhaqaalaha oo 13-ka bishan ka furmaya magaaladaasi.

Wasiirka ayaa kahor inta uusan furmin shirka waxa uu si horudhac ahaan ula kulmi doonaa Madax ka tirsan Bankiga Adduunka iyo qaar ka tirsan Wasiirada Maaliyadda dalalka deriska ah.

“Waxaa caawa farxad ii ah in xilli habeen ah aan ka duulo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waliba aan raaco Diyaarad shacab, tani waxay cadeyn u tahay horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka.” Ayuu yiri Wasiirka oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka.

Wasiirka Maaliyadda oo maalmo kahor shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaasheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay horumar dhanka Maaliyadda ah, ayna rajeynayaan in laga cafiyo deymaha Dowladda lagu leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com