Farmaajo oo cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan dhiibista Sarkaalka ONLF ee Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska dhiibista Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse ‘’Qalbi Dhagax’’ oo ay dowladda Somalia u gacan galisay Ethiopia.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay su’aal ku saabsan waxa uu kala socdo dhiibitaanka Qalbi Dhagax, ayaa ka gaabsaday bayaaninta su’aasha ku aadan Qalbi Dhagax, waxa uuna carab dhabay in kiiskaasi uu ka taagan yahay halka uu ka taagan yahay baarlamaanka.

Waxa uu yiri ‘’Sida aad ogtihiin baarlamaanka Somalia oo ah hay’adda ugu sareysa dhinaca sharci dajinta ayaa dood ka yeesheen, kaddibna u codeeyen, markii ay codeeyeenna gaaren go’aan, waxaan is leeyahay go’aankaa ayaa ah kama danbeys’’.

Farmaajo waxa uu sheegay inuu taageersan yahay Go’aanka ay Xildhibaanada baarlamaanka ugu codeeyeen Dhiibista qalbi dhagax ee ahaa inuu Sharci darro yahay in Qalbi Dhagax la dhiibo, Isagoo sheegay inuu go’aankaas ahaa mid kama danbeys ah.

Guddigii 19-Kii bishii November, loo xil saaray baaritaanka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse ‘’Qalbi Dhagax’’ oo Baarlamaanka ka hor jeediyay Natiijada Baaritaankooda, ayaa arrin khalad ah ku tilmaamay in muwaadinkaasi loo gacan geliyo dowladda Ethiopia.

Guddiga ayaa sheegay Shuruucda dalka u taalo inaysan meel uga qorneyn in muwaadin Soomaaliyeed lagu wareejiyo dowlad kale, waxaana ay sheegen inuusan jirin sharci arintaasi qeexaya oo dalka u yaallo.

Hase ahaatee wareysi uu dhowaan bixiyay Taliyihii hore NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay arrintii Qalbi Dhagax ayuu ku gaabsaday inuu ahaa go’aan amniga qaranka, isla markaana uu ahaa mid dowladda gaartay.

Dhinaca kale, Dowladda Somalia ayaa sanadkii la soo dhaafay jahwareer badan kala kulantay dhiibiistii Cabdikariin Sheekh Qalbi dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jamhadda ONLF ee kasoo horjeedda dowladda Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com