Daawo: Kaamirada qarsoon oo soo saartay beentii ugu cajiibsaneyd ee Sacuudiga ka alifaan dilka Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Telefashinka CNN-ka ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa waxa uu soo bandhigay muuqaalka Kaamirada qarsoon (CCTV), kaasi oo muujinaya Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo ku labisan dharka Saxafigii la dilay ee Jamal Kashoggi.

Muuqaalkaas ayaa waxaa ka muuqda Mustafa Maxamed Al-Madani oo hogaaminaayay 15-ka xubnood Sirdoonka Sacuudiga ee dilka geystay , kaasi oo kasii baxaaya albaabka danbe ee Qunsuliyada Sacuudiga ee Istaanbuul.

Sarkaalkaas oo 57 Jir ah isla markaana da’ahaan, dhirir ahaan iyo qaab ahaan u ekaa Jamal Kashoggi oo 59 jira, ayaa Sarkaalkaas lagu arkayaa muuqaalka isagoo sameystay Gar been abuur ah kuna labistay dharka iyo indha gashiga suxufiga la dilay ee Jamal Kashoggi.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa u sheegay Telefeshinka CNN in Mustafa Maxamed Al-Madani uu ku labisnaa dharkii uu horay u xirnaa Saxafiga la dilay, isla markaana uu isku muuqaal ekeysiiyay Jamal Kashoggi oo kasii baxaaya dhismaha Qunsuliyada.

Muuqaalka waxaa kaloo laga arkayaa Sarkaalkaas oo uu la socday mid kale oo Bac Madow ku waday qeyb kamid ah Hilibka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashoggi.

Muuqaalka waxaa kaloo ka muuqda iyadoo Sarkaalkaasi uu galayo Masjid caana oo lagu magacaabo (Blue Mosque), halkaas oo uu kaga sii gudbay suuliga, isagoo ku siibay dharka Jamaal ee uu lahaa.

Muuqaalka ayaa waxaa kaloo lagu arkayaa Sarkaalkaas oo dilka kadib la qadeynaya saaxiibkii iyo isagoo kasoo baxaaya Hoteelka, halkaa oo muuqaalka laga arkayay isagoo dhoola cadeynaaya isla markaana qoslaya.

Warbaahinta dowlada Turkiga ee TRT ayaa soo bandhigay iyadoo ay Saraakiisha amaanka baarayan goob la dhigta gawaarida oo ku taala deegaanka Sultangazi ee magaalada Istanbuul halkaas oo lagu arkay gaari laga lahaa Qunsuliyada Sacuudiga oo dhiig leh.

Sidoo kale, Baarayaasha Turkiga waxa ay heleen gaari laga leeyahay Qunsuliyada kaa oo looga tagay isgoos ku yaala magaalada Istanbuul.

Illo aan la magacaabin oo ka tirsan dowlada Turkiga ayaa u sheegay Wargeyska Yeni Safak inay hayaan macluumaad ku aadan in dhaxalsugaha Sacuudiga uu muddo 4 jeer wacay Qunsuliyada kadib dilka Saxafiga.

Baarayaasha Turkiga waxa ay wali wadan sida ay baaritaan ugu sameyn lahaayen deegaan ku yaala Keymaha Istanbuul halkaa oo la rumeysan yahay in loo qaaday Meydka Saxafiga Jamal Kashoggi.

Source: CNN