Hadalkii Aqalka Sare kasoo yeeray soo shaac bixiyey TUHUN horey loo qabay

Shir jaraa’id oo uu Isniintii Aqalka Sare ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu madaxda dowladda u qabtay saddex maalmood oo ay uga soo jawaabaan cabashooyinkii loo gudbiyey ee dowlad  Gobolleedyada.

Sida ay Caasimada Online hore u daabacday, Aqalka Sare waxaa laga qabay tuhun ah in aysan daacad ka ahayn xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamul Gobolleedyada oo ilaa iyo bishii Oktober ee sanadkii hore soo jiitamayey.

Dhinac ka rarnaanta Aqalka Sare waxaa tusaale ka bixinaya sidii ay markii horeba go’aan aysan cidna kala tashan ugu qaataan in ay galaan hawsha u garnaqidda dhinacyada is haya iyo waliba in guddoonka Aqalka sare ay ku jiraan xubno caan ah oo mucaarad ku ah madaxda hadda hoggaanka haysa.

Qodobo xaqiijinaya in Aqalka Sare dhinac u xaglinayo

WAXAAN MATALNAA MAAMUL GOBOLLEEDYADA

Shirkii jaraa’id ee uu shalay qabtay Golahaas ku cusub dowladnimada Soomaaliya, waxaa ka muuqatay in ay quus ka joogaan dhex dhexaadinta ay sheegeen in ay ku jiraan iyaga oo u bareeray in ay caddeystaan in u taagnida ka shaqeynta danaha M/Gobolleedyada.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ah guddomiyaha Aqalka Sare oo isagu aqrinayey ayaa yiri sidan “Maadama Aqalka Sare Matalo maamul Gobolleedyada!”

Ma xubo hadalkaas, oo waxaa dhab ah in hadafkii loo aas aasay sidaas ahaa, hase ahaatee, ma ahaa mid mudan in ay ku hadlaan xilli ay sheegayaan in ay shaqo dhex dhexaadin ku jiraan? Cidda aad adigu matasho garta maku niqi kartaa?

ISKU KOOBIDDA DHEXDHEXAADINTA

Aqalka Sare kama fekerin in loo baahnaa doorka isu soo dhaweynta iyo u kala dabqaadidda dhinacyada is haya in ay ku soo daraan hay’addo kale iyo waliba shaqsiyaad sida; Culumaa u diinka, duubabka dhaqanka iyo dhallinyrada.

Wixii daacad laga haya waxaa waajib ah in loo dhammaado! Xattaa maku fekri waayeen in ay sameeyaan ugu yaraan, guddi ka kooban laba Gole oo isku dhaf ah!?

ISKA INDHA TIRIDDA GARDARADA DOWLAD GOBOLLEEDYADA

Aqalka Sare waxa uu si bareer ah isaga indha tirayaa gardaada Dowlad Gobolleedyada oo qaarkood sida Puntland iyo Jubbaland u bartay ka macaashka dibin daabyenta dowladnima Soomaaliyeed.

Waxaa yaab leh, in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ogaadeen dhagarta afarta hoggaamiye ee hadda ku shirsan Garowe, waxaa marag ma doonta ah soo dhaweyn la’aantii ay kala kulmeen Garowe iyo sidii shacabkii jidadka taagnaa markii shalay la galbinayey ay ugu dhawaaqeen ereyo looga soo horjeedo sida; Dooni Meyno dowladnimo diid, HA DHACAAN, iyo IWM.

Waxaa iyaduna yaab leh, oo xaqiijineysa dhinac u janjeeridda Aqalka Sare sida ay isaga indha tirayaan in khilaafka hadda jira ay abuureen Dowlad Gobolleedyada oo aan diyaar u ahayn; Isla xisaabtan, la shaqeynta dowladda dhexe, rabitaanka fowdo nidaam maaliyadeed oo fowdo ah, u hanqal taagidda xukun dheereysi iyo fahan la’aan ka haysata nidaamka Federal-ka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com