“Haddii aan ahey XASSAN SHEEKHII shaley/xaley, aawey xalaafkii aan watey?

Waxaan maal mahaan ka daawadey baraha bulshada wareysiyo dhowr ah oo uu Madaxweynahii hore Xasan Sheekh kaga hadley waxa ku kalifey in xukumadii badashey isaga mudo yar (18) bilood gudahood uu xisbiyadii mucaaradka ahaa isku duba-rito, si xukuumada Nabad Iyo Nolol loo wiiqo iyo sababta waqti aan wali doorasho dhaweyn u door bidey in mar kale si deg deg ah siyaasada wadanka uga soo dhex muuqdo? halka madaxweynahii isaga ka horeeyey uu siiyey waqti ilaa doorashada dambe la soo gaadhey. Su’aalahaas iyo oraah-yadaasi waxey qayb ka ahaayeen wixii wareysigiisa iiga baxey.

Marka laga yimaado hanka siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo in uu yahey qof muwaadin xaqna u leh in xilka wadanka mar kale haweeysto, hadana taariikhdii waxqabad ay Xasan Sheekh (Track Record) intuu xilka hayey iyo marxaladaha siyaasadeed ay wadanku soo marey wali xasuusta dadka Soomaaliyeed ayee ka qoyan tahey.

Daraasaad kooban aan ku sameeyey damaca iyo xisbiga Xasan Sheekh gudoomiyaha ka yahey xiligaan (MNH) iyo siyaasiyiinta aan ku cusbeyn masraxa siyaasada wadanka ee ka dhex muuqda ayaa waxaan ku milsaaleeyey sheekadaan.

Hada kahor ayaa nin reer-miyi ah oo safar ah reer soo martiyey waqti fiid ah, ninku wuxuu sitey buraashad iyo sali ama sujaayad laga sameeyey coos iyo mayrax loona yaqaaney waqtigaas (Xalaaf)

Sidii dhaqanka Soomaaliga aheyd ayaa loo soor-yeeyey, neef ari ayaa isla markiiba dhegta dhiiga loo darey bariis iyo caano waa loo diyaariyey.

Subaxdii ayuu jarmaadey si meeshii uu doonaayey u gaaro waqti hore, balse waqti ay qoraxdii ku kululaatey kala badhkana marayo marka laga fiidhsho masaafada socodkiisa halka uu rabo in uu caawa gaadho iyo reerkii uu xaley la hoydey, ayuu ninkii safarka ahaa durbadiiba go’aansadey in caawa gaadhi karin reerka uu kusocdo balse ay tahey in uu dib ugu laabto reerkii xaley martigeliyey maadaama ay tahey cida kaliya ay ugu dhow.

Markii uu reerkii ku soo dhawaadey ayuu saligii xalaafka ahaa geed kusoo qariyey si aan loo fahmin in uu yahey ninkii xaley reerka soo martiyey.

Jihadii uu xaley reerka kaga yimi, jiho kale ayuu ka soo galey waqtigii oo kale. Reerkii ayuu bariisimeeyey codka hadalka isagoo yara badalaya Kuna wargeliyey in uu marti yahey, dabcan reerkii kuma farxin in hadana caawa uu nin kale usoo martiyo xaalada reerka oo aan xoolo badan heysan awgeyd.

Ardaaga reerka ayaa go’gal loo dhigey shaah iyo biyo-weyso ah ayaa gabadh yar loogu dhiibey. Odeygii iyo islaantii reerka oo waqtigaas ku mashquulsanaa xoolahii yaraa xareyntooda ayaa ka shoorayey bal wixii ay ninka socotada ah caawa siin la haayeeyn.

Gabadhii yareyd ee loogu dhiibey shaaha ayaa garatey ninkii oo mar kaliya qaylo afka furatey oo tidhi “Hooyoo iyo aaboo ninku waa ninkii xaley noo martiyey”

Inta aysan wali hadlin labadii waalid ay gabadha yar dhaleyn ayuu ninkii kor u qayliyey oo yidhi “Hadaan Ahey Ninkii Xaley/shaley idiin Martiyey Aawey Xalaafkii Aan Sitey”

Hadaba ma is tidhi akhristoow Xasan Sheekh qudhiisu xalaafkii ayuu soo qarsadey ee waa isla Xasan Sheekhii shaley aan iska hor leexiney.

W/Q: Asadnaa Suudi
asadnaa@gmail.com
Falaanqeeye siyaasadda Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid