DAAWO: Khadra Daahir oo ku ilmeysay Jigjiga halka Hibo ku ilmeysay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanada Soomaaliyeed ee caanka ah kana tirsaneyd Hoboladii Qaranka Waaberi Khadra Dahir Cige oo bartamihii bishii Agoosto si diiran loogu soo dhoweeyay xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, iyadoo munaasabad lagu soo dhoweynayay fannaanada ay ka dhacday halkaasi ay ka ilmeysay.

Khadra Dahir ayaa loo qaaday Dhaanto aad u macaan, taasoo keentay iney ceshan weydo ilmo kasoo qubtay indhaheeda, waxaana heestaani dhaantada ah ay aad ugu raaxeysatay fannaanada.

Hoboladii ka yimid Hargeysa iyo Barbara, helidaa warkooda hamuun baan u qabay, isma huri karnoo hilbo wada dhashaa nahay iyo erayo kaloo macaan ayaa heesta ku jirta, taasoo dareen ku gelinesa.

Halka Fannaanada kale ee Soomaaliyeed ee Wadaninimada ku caanbaxday Hibo Maxamed Cudoon “Hiba Nuura” ayaa badalka Khadra Daahir waxay ku ilmeysay garoonka Muqdisho oo shalay lagu soo dhoweeyay.

Hiba Nuura waxay sheegtay iney Muqdisho tahay xuduntii dalka, hilow badana ay u qabto, iyadoo erayadaasi markay ku dhawaaqeysay ay ilmada kasoo daadanayeen.

HALKAN KA DAAWO KHADRO OO ILMEYNEYSA JIG-JIGA

DAAWO HIBO NUURA OO XAMAR KU ILMEYNEYSA

Isha: Warfaafiye.com